2733 Views

Madaxweyne Xaaf oo baaq u diray Carabey iyo Casir oo ku sugan Cadaado

Madaxweyne Xaaf oo baaq u diray Carabey iyo Casir oo ku sugan Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28. 2018 – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay ka hadleen Khilaaf la sheegay in uu soo gala dhexgalay Mas’uuliyiinta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii maanta Magaalada Cadaado ay sheegeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf waxaa uu tilmaamay in khilaafka jira lagu xalin doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa dhankiisa ayaa sheegay in hadii ay tabasho qabaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka in ay yimaadaan magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa labaad ayaa dhankooda sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ay ka codsanayaan in aysan kala geyn umadda Soomaaliyeed.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment