315 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabilay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabilay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ahna kusimaha madaxweynaha Mudane  Cali Daahir Ciid, Ayaa Aqalka madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,(UN, IOM & EU) kuwaas oo maanta soo gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashaariicda ka socota deegaanada Galmudug, iyo sidoo kale mashaariic kale oo la doonayo in laga fuliyo dhawaan.

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Galmudug marwo Faadumo Abdi Ali wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug mudane Osman Macalin Xasan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post