786 Views

Khasaare ka dhashay Fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle

Khasaare ka dhashay Fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 14, 2021 —Wabiga shabeelle ayaa fatahaad ka sameey tuulda Boodaale, oo ka mid ah tuulooyinka hoosyitaga magaalada Jowhar ee Caasimada dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa halkaas ka geeystay Khasaaro Nafeed iyo mid hatiyeed  oo ka dhashay fathaada Biyaha Wabiga.

Waxaa la soo sheegayaa in Laba  Carruur ah ay qadeen Biyaha kuwaa oo mid ka mid ah meydkiisa ay baadi goob ugu jiraan dadka deegaanka, Carruurta geeriyootay  ayaa la sheegayaa in da’dooda ay u dhaxeeyso Shan illaa  iyo Lix jir.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa sheegay in xaalda wabiga xiligan ay tahay mid cabsi weyn leh maadmaWabiga uu waddo Biyhii ugu badna suuragalnay ay tahay in deegaano hor leh ay gaarto Fatahaadda.

Ugu Danbeeyntii Wasiirka ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato ugurmadka loo sameynaayo dadkii ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameey tuulada Boodaala.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post