1227 Views

Dacwad oogaha militariga Libya oo ka codsaday guddiga doorashada inay joojiyaan musharaxnimada Saif al-Islam Gaddafi.

Dacwad oogaha militariga Libya oo  ka codsaday guddiga doorashada inay joojiyaan musharaxnimada Saif al-Islam Gaddafi.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

Dacwad oogaha militariga Libya, Mohamed Gharouda, ayaa ka codsaday guddiga doorashada dalkaasi inay joojiyaan musharaxnimada madaxweyne ee Saif al-Islam Gaddafi.

Waxa uu Axaddii lagu dhawaaqay in wiilka labaad ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalkaasi, Mucamar Al-Qadaafi, uu gudbiyay dukumeentiyadii lagama maarmaanka u ahaa inuu u tartamo Madaxweyne.

Laakin warqad uu u diray guddiga doorashada, Mr Garouda wuxuu ku sheegay in maadaama Saif al-Qadaafi lagu eedeeyay falal dambiyeed, ay qasab tahay in dalabkiisa madaxtinimo “la joojiyo ilaa baadhitaanka laga soo gabagabeynayo.”

Qadaafi ayaa waxaa weli baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo uu galay sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo aabihii lagu qasbay xukunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post