1317 Views

Dad ku dhintay dab ka kacay Paris

Dad ku dhintay dab ka kacay Paris
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Toddobo qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay dhismo ku yaalla waqooyiga koonfureed ee magaalada Paris, sida laga soo xigtay waaxda dab damiska ee dalkaasi.

Ku dhawaad 30 qof ayaa ku dhaawacantay dabka.

Afhayeen u hadlay laanta adeega dab damiska Paris ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sare usii kacdo maadaama dabka uu ku faafay dabaqa toddobaad ilaa siddeedaad.

Lamana garanayo waxaa dhaliyay dabka balse wuxuu xalay ka bilaawday qeybaha hoose ee dhismaha, dad badan ayaa halkaasi laga daadgureeyay.

Ku dhawaad 200 dab damiyaal ah ayaa ka qeyb qaadanaya daminta dabka, saddex kamid ah kooxaha gurmadka ayaa ku dhaawacmay dabka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment