927 Views

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in duqaymo cusub ay ka dhaceen gobolka Gedo.

Dawladda Soomaaliya oo  sheegtay in duqaymo cusub ay ka dhaceen gobolka Gedo.
____________________________________________________________________________


Khamiis: October 7, 2021

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqaymo cusub ay ka dhaceen gobolka Gedo kuwaasi oo lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Barta twitter-ka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqaymahaasi ay burburureen afar saldhig aoo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab meel u dhow degmada Garbahaarey.

Ciidanku waxay sheegeen in duqaymahaas inay khasaare aad ah u gaysteen Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin duqaymahan iyo khasaaraha ay gaysteen.

Inta badan duqaymaha lala beegsado Al-Shabaab waxaa gaystay taliska ciidamada Afrika ee Marayakanka oo aan weli rasmi ahaan uga hadlin duqaynta la sheegay inay maanta dhacday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post