672 Views

Go’aano laga soo saaray askarta Shacabka dhexdooda rasaasta ku rida

Go’aano laga soo saaray askarta Shacabka dhexdooda rasaasta ku rida
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad gobaleedka Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo uu ka mid yahay Xeer ilaaliaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug  Gashaalle sare Cabdulaahi Maxamed Muuse keyse, ayaa maanta kormeer ku tagay taliska  ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska GorGor.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha iyo Askarta  Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa faray in aan la ogolaan doonin Askari Xoogga dalka ka tirsan in uu fasax la’aan aado guddaha magaalooyinka, isla markaana ay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan bulshada dhex dooda si la mid ah hay’addaha ku shaqada leh amniga guddaha ee Booliiska iyo Nabadsugida.

Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan, oo Ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan ku amaanay guulahii ay kasoo hooyeen howlgalada ka socda Gobolka mudug ayaa xoreynta magaalooyinka cusub sida Camaara, ku tilmaamay mid tusaale u ah soo afjarida Al-Shabaabiyo in aysan haynin Awood ay kusii joogi karaan deegaanada Galmudug.

Fariintan Maxkamada Ciidamadda oo ku saleysan ka jawaabida baaqa shacabka ee dhowrista maqalka soo laalaabtay ee rasaasta laga dhex ridayo xaafadaha Magaalooyinka ayaa ugu dambeyn la faray Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada in ay hubiyaan hubka Askarta fasaxa ku aadaysa Magaalada xiliga ay ka baxayaan xeryaha iyo soo laabashadooda.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post