801 Views

Booliska Puntland oo gobolka saanaag ku burburiyey dhalooyin maandooriyaha Khamriga

Booliska Puntland oo  gobolka saanaag ku burburiyey dhalooyin maandooriyaha Khamriga
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ee magaalada badhan ee gobolka saanaag ayaa meel fagaare ah ku burburiyey dhalooyin badan oo   ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada booliska ay ku guulyesteen in ay soo qabtaan.

Ciidamada ammaanka oo Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay sida sharaakisha ay shegeen , xili la qorsheenayey  in si qarsoodi ah loo geliyo Magaaladaaas.

Taliyaha booliska gobolka sanaag Cabdikariin maxamed Cabdulle xanaf  ayaa  sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaan sharcigana la hor keeni doono. 

Sidoo kale Gudoomiyaha maxkamadda aramada koobaad ee gobolka sanaag Maxamuud Faarax Xarigle  ayaa sheegay in xukun lagu riday ragii watay qamriga gacantana ay ku hayaan garigii qamrigaan lagu waday.  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post