1176 Views

Puntland oo gacanta ku dhigtay hub si qarsoodi ah doon lagu soo geliyay

Puntland oo gacanta ku dhigtay hub si qarsoodi ah doon lagu soo geliyay
____________________________________________________________________________

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen hub aad u farabadan oo si qarsoodi ah doon looga soo dejiyay Xeebaha Gobolka Saaag, kaas oo laga keenay dalka dagaalada ay ka socdaan ee Yemen.

Hubkan ayaa ilo dhinaca ammaanka ah waxaa ay sheegeen in laga soo dejiyay Xeebaha degaanka Ceelaayo, isla markaana ay ka cabsi qabeen in loo waday dad kasoo horjeeda amniga iyo horumarka kajira degaannada Puntland sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale laamaha Amniga waxaa ay sheegeen in ay baaritan ku hayaan cidda sida rasmiga ah loogu waday hubka oo noocyo kala duwan leh si loo xaqiijiyo amniga guud ee degaannada Puntland oo mararka qaar ay ka dhacaabn falal amni darro.

Warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Hubkan ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland oo qabtay sidoo kalena ay jiran dad lagu soo qabtay, basle aan weli Warbaahinta loo soo bandhigin.

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu dagaal xoogan kula jiraa Al-Shabaab iyo Daacish oo marraka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya degaannada Maamulkaas, iyada oo dhawaan Maxkamadda Ciidamada Puntland ay xukuno dil ah ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka howlgalayay Magaalada Gaalkacyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post