228 Views

Maamulka Somaliland oo Warqad ay uga hadleen arinta magaalada Laasscaanood u qorshay beesha Caalamka

Maamulka Somaliland oo Warqad ay uga hadleen arinta magaalada Laasscaanood u qorshay beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14 2023

Maamulka Somaliland ayaa Warqad ay uga hadleen arinta magaalada Laasscaanood u qorshay beesha Caalamka, oo cadaadis xoogan saartay kadib dhibaatooyinkii ay ka gaysteen gobolka iyagoo ciidanka Somaliland dilay  dad shacabka ah oo dareenkooda muujiyey.

“Guul darooyinka Maamulka Muuse Biixi u soo hoyatay waxaad ka garanaysaa caddaadiska beesha caalamka ka haysta, guusha shacabka Dhulbahantena waxaad ka garanaysaa iyaga oo wiilashadoodii kaliya laabta u dhigteen rasaasta dhashiikaha ayey natiijadan gaadheen, Maxaad u malaynaysaa haddii Dhulbahabte awoodiisa oo dhan adeegsado uu isagu kala dhantaalayo, waxay gaadhi lahaayeen guulo waaweyn.

Dagaalku wuxuu u dhaxeeyaa beesha Dhulbahante iyo Maamulka “Somaliland“ ee Muuse Biixi u taliyo, natiijadiisana waxay keentay in uu warqadan Muuse canaanta beesha caalamka kaga jawaabo.

Wuxuu qoraalkan ku sheegay in ay wadahadal kula jiraan waxgaradka beesha Dhulbahante, ciidankiisiina magaalada ka saaray.

Xaqiiqaduna waxay tahay in magaalada laga saaray ee aanay ka bixin, wax wadahadal ah oo jiraana uu san jirin ee loo sheegay in ay deegaanka Dhulbahante ka guuraan malayshiyada ”Somaliland“.

Halkan waxaa haddaba waajib ku ah dhallinyarada Dhulbahante ee kacdoonka in ay isha ku hayaan madax dhaqameedka oo noqon kara dhinaca hawlaha xagal daaca loo soo mari karo, guddidu way is cadeysay farrintiina si mugle ayey u gudbiyeen. “.

W/Q: Asad Cadaani Ibraahim

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post