1176 Views

Amb Mohamed Ali Nur Americo oo kala Qeyb galay Nadiifinta xeebta Liido dhalinyarada Muqdisho Sawiro

Amb Mohamed Ali Nur  Americo oo kala  Qeyb galay Nadiifinta xeebta Liido dhalinyarada Muqdisho  Sawiro
____________________________________________________________________________

 

 


Sabti: December 18, 2021

 Waxaa magaalada Mudisho maalmihii la soo dhaafay ka socday abaabul iyo Ololo nadaafadeed oo ay bilaabeen dhalinyarada Muqdisho, oo ay ku Nadiifinayaan Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Amb Mohamed Ali Nur  Americo ayaa kala qeyb galay dhalinayaradaas nadaafada ka wado usbuucyadii la soo dhaafay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Amerika ayaa Bogiisa Facebook ku qoo qoray sidaan

Maanta waxaan ka qayb galay olole nadaafadeed oo ay dhalinyaro soo aabuuleen oo ay hadda soo wadeen laba bil. Waxay jimco walbo ka nadiifiyaan qashinka lagu daadiyo xeebta Liido. Anigoo dibedda wadanka ugamaqan ayaan baraha bulshada ku karay, waan la soo hadlay oo u balan qaaday inaan taageri doono ololahaas nadaafadeedna kala qayb qaadan doono.

Waa gabdho iyo wiilal iyaga iskood isku xilqaamay oo mudan taagero iyo hambalyo. Waxaan maanta isku baranay olohaas nadaafadeed

Sidoo kale dadaalka iyo dhiiri galinta uu sameeyay Amb Mohamed Ali Nur  Americo ayaa waxa uu yahay mid uu caan ku yahay, sidii uu u garab istaagi lahaa Umada Soomaaliyeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida kuwa aan waxba haysan, kuwa indha la’aanta ah iyo dhagoolayaasha oo uu mar kasta garab taagan yahay.

Amb Mohamed Ali Nur  Americo  ayaa markii uu ka tagay shaqada safaarada Soomaaliya ee Nairobi, waxa uu u xuub siibtay Taakulaynta iyo garab istaaga dadka Soomaaliyeed gaar ahaan waxa uu haatan wadaa dadaal uu wax ku barayo ama ku garab taagan yahay dhalaanka dhagala iyo indhaha la ee Soomaaliya gaar ahaan kuwooda jooga magaalada Muqdisho, oo uu la garab taagan yahay taakulayn iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga mid noqon lahaayeen oo aysan u daremi lahayn faquuq.

Abdihakim Elmi Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post