669 Views

Xukuumadaha Kenya iyo Maamulka Somaliland oo qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi sida ay sheegeen

Xukuumadaha Kenya iyo Maamulka Somaliland   oo  qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi  sida ay sheegeen
____________________________________________________________________________


Talaado: october 26, 2021

Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, iyadoo Kenya ay danaynayso in ay Somaliland suuq uga hesho qaadka Miraa oo suuqii hore ee Soomaaliya laga xayiray.

Wafti wasiiro iyo saraakiil kale ah oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland D.R Ciise Cabdiraxmaan Kayd oo safar ku jooga Nairobi, ayaa kulan ay la qaateen wasiirka beeraha Kenya Peter Munye, kaga wada hadlay suuq u helista jaadka Miraa, arrimaha beeraha iyo xoolaha nool, sida wasiir Munye uu bartiisa Twitterka ku qoray.

“Waxan kulan la qaatay wafti ka socda Jamhuuriyada Somaliland, oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Ciise Kayd, waxaanu diirada saarnay waxyaabo badan oo aanu iska kaa shanayno, sida daafurka iyo kor u qaadista waddo ganacsi oo qaadka Miraa yeesho, xoolaha iyo beeraha” ayuu yidhi wasiir Munye.

Safarka waftiga Somaliland ayaa daba socda sii xoojinta heshiisyadii ay sannadkii hore kala saxeexdeen madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya, ee dhinacyada dibulumaasiyada iyo ganacsiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post