507 Views

Xildhibaankii ugu horreeyay oo lagu doortay Gaalkacyo.

Xildhibaankii ugu horreeyay oo lagu doortay Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa si rasmi ah ugu billaabatay doorashada kuraas shan ah oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Maanta ayuu qorshuhu yahay in la qabto doorashada shanta kursi oo ay ku tartamayaan musharixiin badan kuwaa oo shalay la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee kuraastaas.

Waxaa haatan la doortay kursigii ugu horreeyay kaas oo tirsigiisu yahay HOP#013, waxaa ku guuleystay doorashada kursigaas Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Galmudug Aadan Cismaan Xuseen, isagoo helay 82 cod.

Guddiga maamulka doorashada  Galmudug ma aysan shaacin musharixii la tartamayay kan guuleystay, balse guushiisa oo kaliya ayey ku dhawaaqeyn taas oo ka dhigan in uu ahaa doorashada kursiga HOP#013 mid xiran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post