753 Views

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Iran oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Cusub ee Dalka  Iran oo magacaabay Golihiisa Wasiirada
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Madaxweynaha dalka Iiraan  Ibraahiim Raysi waxa uu Barlamaanka dalkaasi u gudbiyey Liiska Golihiisa Wasiiradda Cusub, kuwaas oo u baahan in la ansixiyo.

Wakaalladda Wararka ee IRINN ayaa sheegtay inay Barlamaanka heleen Liiska  Golihiisa cusub ee Wasiirada oo ka kooban 19 Wasir.

Wasiirka Arrimaha Dibedda waxaa loo magacaabay Xuseen Amiir Abdollahian, halka

Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabay Axmed Fahidi.

Wasiirka Sirdoonka waxaa loo magacaabay Sayid Ismaaciil Khatiib, iyadoo Wasiirka Difaaca loo magacaabay Maxmed Reza Qarayi Ashtiyani.

Wasiirka Garsoorka waxaa loo magacaabay Amiir Xuseen Raxiimi, iyadoo Wasiirka Batroolka loo magacaabay Javad Oji.

Dhinaca kale, Afhayeenka Guddiga Guddoonka Barlamaanka Iran, Sayid Nezam Al-Diin Mosavi waxa uu sheegay inuusan Liiskan Cusub ee uu Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi  soo gudbiyey ahayn mid rasmi ah, lana soo dhamaystirin.

Wuxuuna xusay inay suurtogal tahay in Isbedel lagu sameeyo Liiskaasi oo si rasmi ahaan  maalinta Sabtida ee soo socota loogu dhawaaqi doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post