873 Views

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka oo booqasho rasmi ah ku tegey Xafiiska Safaaradda Sweden ee Soomaaliya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka oo booqasho rasmi ah ku tegey Xafiiska Safaaradda Sweden ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho rasmi ah ku tegey Xafiiska Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Safiirka Safaarada Mr. Per Lindgarde, Madaxa hurumarinta Mashaariicda Mr. Petra Smitmanis Dry iyo Lataliyaha sare ee sareynta sharciga (rule of law expert) Ms. Sophie Omoro.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiintaas kala hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo garab-istaaga bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya. sidoo kale, waxaa kuwehliyey booqasha Lataliyaha sare ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda Mr. Ibraahim Abdullahi Adam.

Sidoo kale iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka-dhexeeya Safaaradda Sweden iyo Wasaaradda Cadaaladda XFS waxay isku raaceen in Safaaraddu qeyb muhiim ka ah kaqaadato dar-dar galinta iyo taageeridda Mashruucyada lagu tayeynayo sare u qaadista adeegyada Cadaaladda ee Dalka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post