252 Views

Dowladda Federaalka oo soo dhoweysay heshiiskii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ay ku gaareen Koonfur Afrika.

Dowladda Federaalka oo  soo dhoweysay heshiiskii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ay  ku gaareen Koonfur Afrika.
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay heshiiskii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ay Arbacadii ku gaareen Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweynayso heshiiskaasi oo lagu soo afjaraayo colaadda dalkaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed, ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ee lagu soo afjarayay colaadihii hubeysnaa, waxayna carabka ku adkeeyeen in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka, barwaaqada iyo midnimada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa intaas la sii raaciyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay rajeynaysaa in heshiiskan ‘dhibaatada Afrikaanka ah, xalka Afrika’ uu u gogol xaaro dib-u-heshiisiin dhameystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya oo gebi ahaanba soo afjarta rabshadaha, colaadda gudaha iyo rabitaanka gooni-u-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqada, kobaca dhaqaale ee Itoobiya, kan gobolka iyo meelo kale”.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay bogaadisay dadaalada uu Midowga Afrika miiska wada hadalada isugu keenay dhinacyadaasi iyo martigelintii ay Dowladda Koonfur Afrika martigelisay qabsoomidda wada hadaladaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post