939 Views

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaday oo caawa la hadli doona warbaahinta sida lagu sheegay qoraal

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaday  oo caawa la hadli doona warbaahinta  sida lagu sheegay qoraal
____________________________________________________________________________

April 27-2021

 Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa la hadli doona warbaahinta, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyay bogaga Villa Somalia.

Farmaajo ayaa khudbadiisa caawa kaga hadli doona xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada, kadib markii muddo korosigiisa ay diideen HirShabelle, Galmudug iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Khudbada ay shaacisay Villa Somalia inuu caawa jeedin doono Farmaajo ayaa kusoo aadeysa waxyar un kadib markii maamulada Galmudug iyo HirShabeelle oo si weyn u taabacsan ay kasoo horjeesteen muddo kororsiga loo meel-mariyay hay’addaha dowladda.

Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhintaas, waxayna si wadajir ah u shaaciyeen in dalka laga qabto doorasho si deg-deg ah u dhacda, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankaas kasoo baxay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ee looga hor-yimid muddo kordhinta Farmaajo.

Rooble ayaa sheegay inuu dalka ka qabanayo doorasho ku saleysan heshiiskii 17 Setepmber sida uu markii hore ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxay u badan tahay in khudbada Farmaajo uu ku muujiyey tanaasul, xili ay kasoo horjeesteen maamuladii taabacsanaa.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post