900 Views

Xukuumadda Somalia oo walaac ka muujisay dad cusub oo laga helay COVID-19

Xukuumadda Somalia oo walaac ka muujisay dad cusub oo laga helay COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowlada Soomaaliya, Maxamed Saciid C/llaahi ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, iyo cabsida ay ka qabaan inuu ku dhex faafo bulshada.

 

Maxamed Saciid C/llaahi ayaa sheegay in Labo bukaan oo maalmo ka hor wasaarada Caafimaadku sheegtay in laga helay cudurka COVID-19, mid ka mid ah uu yahay Soomaali ku noolaa gudaha Muqdisho, taasoo uu sheegay inuu kaga duwan yahay kiisaskii ka horeeyey oo dhamaan dadkii laga helay ahaayeen kuwo ka yimid dibeda lana karantiilay inta aysan shacabka dhex gelin.

 

 

 

“Bukaankii ugu dambeeyey ee laga helay cudurka waa Soomaali wax xiriir ah lama lahayn qof qabay cudurka, sidoo kale kama imaan dalka dibaddiisa, bulshada ayuuna ku dhex noolaa, Tani waxay ka dhigan tahay inuu fayrasku haatan ku jiro bulshada dhexdeeda, runtiina walaac badan ayey arintaas nagu abuurtay, maadaama dadkii isaga qaadsiiyey iyo kuwii uu la macaamilay ay weli bulshada ku dhex jiraan, siina qaadsiin karaan dad kale oo fara badan” ayuu yiri wasiirka

 

U gudbinta bulshada ayuu sheegay wasiirku in micnaheedu yahay in cudurka ku dhex faafay bulshada qaab aan la garanayn, iyadoo bukaanku xiriir la yeelan qof qaba cudurka ama u safrin dibadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment