3399 Views

Moshin maanta laga keenay Shirka Jowhar

Moshin maanta laga keenay Shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Qaar Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,ayaa mooshin ka keenay shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.

Mooshinkan ayaa waxaa keenay 42 Xildhibaan, iyagoo soo jeediyay in dib loo dhigo shirka ka socda Jowhar.

Soo jeedinta Xildhibaanada kadib ayaa waxaa la isla gartay in la muddeeyo xilli kale, maaddaama uu buuxsami waayay kooramkii cod u qaadista mooshinkan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka soo socda looga doodi doono mooshinkan ujeedkiisa yahay in dib loo dhigo shirka Jowhar ka socdo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka keenay shirka Jowhar ay ku jiraan Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaasoo taageersan shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyn.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu wajigiisa labaad ka socdaa magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in dhowaan la soo xulo ergada ka qeyb galeysa shirka.

Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan qaar ka mid ah, ayaa wali shirka ka maqan, iyagoo horay u sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirka Jowhar.

Lama garan karo mooshinka ay keeneen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka inuu dib u dhigi doono iyo in kale wajiga labaad ee shirka oo todobaadkii hore si rasmi ah u furmay, waxaana shirka Jowhar uu muddo hakad uga jiray cabasho ka imaaneysa beelaha qaar, inkastoo dadaal dowladda Federaalka ay gashay ay illaa iyo xad ku maareysay cabashooyinkaas, balse wali ay jiraan beelo wali cabasho qaba, isla markaana diidan shirka in ay yimaadaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment