1113 Views

Wafdi ka socda dowladda Zambia oo soo gaaray Hargeysa

Wafdi ka socda dowladda Zambia oo soo gaaray Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 05, 2021–Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda dalka Zambia Gavin Lubinda, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yusuf Cismaan.

Weli lama shaacin ujeedka wafdiga ka socda dowladda Zambia ay u tageen Magaalada Hargeysa, balse waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaalilamd Muuse Biixi Cabdi.

Horay waxaa Magaalada Hargeysa u tegay wufuud Caalami ah oo ka kala socota qaar kamid ah dalalka Afrika, kuwaas oo wada-hadallo iyo hesheesyo la galay Madaxweynaha Soomaaliland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post