831 Views

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka hadlay kufsi & dil ka dhacay Hargeysa

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka hadlay kufsi & dil ka dhacay Hargeysa
____________________________________________________________________________

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay barta twitter-ka ku sheegtay inay ka xuntahay kufsi iyo dil loo geystay Hinda Cumar oo kamid aheyd dsadka ku nool Magaalada Hargeysa..

Gabadha la kufsaday kadibna la dilay ayaa markii ay musiibadan ku dhacaysay waxa ay saarnayd basaska dadweynaha ee ka dhex Shaqeeya gudaha magaalada Hargeysa.

Warbaahinta degaannada Soomaaliland ayaa sheegtay in qoyska Marxuumad Hinda Cumar ay sheegeen in meydka markii hore lagu sameeyay baaritaan, kadibna la ogaaday in inta aan la dilin la kufsaday, falkaasi oo dhacay shalay gelinkii hore.

Xafiiska ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ee sii kordhaya waxayna sheegeen in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyigelinta la xiriirta kufsiga, sidoo kalana hay’adda ayaa sheegtay inaysan jirin isla xisaabtan dhab ah.

Dhowr jeer ayaa waxaa degaano kamid ah soomaliland ka dhacay kufsi iyo dil oo geystay Gabdho yar yar, waxaana ilaa iyo hadda jirin dad falkaasi loo qabtay loona maxkamadeeyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post