3663 Views

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Tukaraq

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Tukaraq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2018 – Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha caalamka ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin isku-dhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo Somaliland, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin deg deg ah.

Dagaal culus ayaa aroortii shalay subax ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Saaxiibada Caalamku ayaa waxa ay labada dhinac ugu baaqeen  inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, oo ay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaana gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Waxay kaloo tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar, iyaga oo intaas ku daray in dagaalka uu uga sii darayo dhibaatada heysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobiya, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ugu dambeyn ku baaqay dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment