411 Views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir oo 97 jir ah oo la dhigay Isbitaal kaddib markii laga helay xannuunka Covid-19

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir oo 97 jir ah oo  la dhigay Isbitaal kaddib markii laga helay xannuunka Covid-19
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo 97 jir ah ayaa la dhigay Isbitaal kaddib markii laga helay xannuunka Covid-19 sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa.

Mahthir Bin Mohamad waxa uu labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Malaysia waa Ra’iisul Wasaarihii 4aad & 7aad ee Dalkaasi dhaca Koofur Bari Qaaradda Aasiya.

Sarkaal katirsan Xukuumadda Kuala Lumpur ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Mahathir Mohamad ay wanaagsan tahay lana dhigay qaybta bukaannada gaarka ah la dhigo si looga warqabo xaaladdiisa.

97 jirkaan ayaa janaayo 2022 sidaan oo kale mar loo dhigay Isbitaalka lagu daweeyo xannuunada Wadnaha kaddib markii uu ka sheegtay xannuun dhankaas ka haya, daryeel iyo dawooyin lasiiyay kaddib waxaa dib loogu celiyay Gurigiisa.

Xil heyntiisii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ahayd muddadii u dhaxeysay 1981dii illaa 2003dii, halka waqtigiisii labaad ahayd illaa 2018kii, waxa uu xilka ka tagay kaddib markii culeys siyaasadeed uu soo koray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post