1437 Views

Daraasad cusub oo lagu ogaaday in nooc ka mid ah kolostaroolka

Daraasad cusub oo  lagu ogaaday in nooc ka mid ah kolostaroolka
____________________________________________________________________________

Sabti: july 24 2021

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in nooc ka mid ah kolostaroolka oo qofka ku bata marka uu gaadho da’ dhexaad ay xidhiidh toosa la leedahay in qofkaasi muddo toban sano gudahood ah ku asaasaqo hadii ay aad ugu korodho kolostaroolku.

Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen saynisyahanno ka tirsan kulliyadda Centre for Tropical Diseases ee Jaamacadda London, ayaa baadhay faylasha xogta caafimaadka ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool Ingiriiska.

Waxaanay ku ogaadeen, daraasaddan oo lagu sheegay tii ugu balaadhnayd ee nooceeda ah, in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya korodhka kolostaroolka xun ee loo yaqaan LDL iyo cudurka asaasaqu.

Waxaanay sheegeen saynisyahannadu in, walow xidhiidhkaas aad u yar yahay, uu hadana muujinaya suurto galnimada qofka uu ugu dhici karo asaasaqu, hadiise qofku uu iska yareeyo cuntooyinka ku kordhinaya kolostaroolka xun oo wax ka bedelo habka uu oonta u qaato ama dawo ba ay suurto gal tahay inuu ka badbaado arintaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post