909 Views

Madaxweye Qoor Qoor oo xalay la kulmay Madaxweyne-yaashii hore Shariif, Xasan iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Khayre Sawiro

Madaxweye Qoor Qoor oo xalay la kulmay Madaxweyne-yaashii hore Shariif, Xasan iyo Ra’iisal Wasaarihii hore  Khayre Sawiro
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)  uu xalay guryahooda ku booqday Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

“Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay  ku soo booqday guryahooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulamadaasi la xiriiraan kala warqaadasho ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dlka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka, ee xilligan uu dalku marayo.

“Kulanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isugu jiray kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan dalku marayo,” ayaa lagu yiri warka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maqribkii xalay  soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoor Qoor ayaa u muuqdo mid markale xal u raadinaya, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhamnaad

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post