1389 Views

Siyaasiga Faarax Macalin oo soo bandhigay dalalka diidan Shidaalka Soomaaliya

Siyaasiga Faarax Macalin oo soo bandhigay dalalka diidan Shidaalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–Siyaasiga Faarax Macalin oo ka mid ah Siyaasiyiinta taageera Dowladda soomaaliya marna soo noqday Guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa qaar ka mid ah wadamada Khaliijka ku eedeeyey inay diidan yihiin wax soo saarka shidaalka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in dalalka, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ay dhowr jeer baajiyeen Shirar looga hadli lahaa Arrimaha Shidaalka Soomaaliya kaas oo lagu qaban lahaa dalalka turkiga  iyo Itoobiya, hayeeshee ay dowladda Soomaaliya looga baahnaa inay dhegaha ka fureysato.

 

Waxa uu Siyaasiga Faarax sheegay in Soomaaliya ay heysato Block dhan 280 oo shidaal ah,isla markaana horay loo soo bandhigay lana xaraashay 53 ka mid ah waxa kaliya ee haatan la isku heysatana uu yahay 3 Block.

 

Dhinaca kale Siyaasiga oo la hadlayay mid ka mid ah tv-yada ku hadla Afka Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Batroolka uu ku eedeeyey in uu Shaqada ka joojiyey Saddex Agaasime oo Aqoonyano ahaa,isla markaana booskooda uu kuwo kale geliyey.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment