1779 Views

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo, sheegeyna inuu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Garowe

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo, sheegeyna inuu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 11, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa waxaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka labaad C/qaadir Xaaji Maxamuud, Gudoonka Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo soo dhawayn kadib uu Wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Madaxtooyada.

 

Waxaa uu sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa, isla markaana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay, balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la’aan ku dhamaado.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada, basle aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro, iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen.

 

“Dastuurka dib u habayntiisa waa arrin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliya ay ka go’aan gaari karaan”ayuu yiri Axmed madoobe

 

Mar uu ka hadlayay Arrimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin, iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020-ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan.

 

Dhinaca kale Madaxweynahu waxaa uu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, isla markaana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo.

 

Waxaa uu sheegay Khilaafka Galmudug in ay qayb ka ahayd wada hadalada, balse Madaxda Dowlada Federaalku aysan diyaar u ahayn in xal waara laga gaaro.

 

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye uga dhici lahaayeen deegaanada Jubbooyinka, taasoo dib u dhac weyn ku keenaysa horumarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda,

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbaland, iyadoo looga gol leeyahay carqaladaynta Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay

 

Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa noqday Madaxdii u horeysay ee Maamul Goboleedyada ee isaga soo taga Garowe, kaddib markii Shirkii maalmahan socday uu ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin qodobadii laga doodayay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment