2991 Views

Jidadka Degmooyinka G. Banadir Qaarkood oo Weli Xiran.

Jidadka Degmooyinka G. Banadir Qaarkood oo Weli Xiran.
____________________________________________________________________________

May 27/2017

Jidadka Degmooyinka G. Banadir Qaarkood oo Weli Xiran.

Horaa looyiri  “war helaaba tala hela”

Waxaan horey u soo sheegay, sifooyinka ay Magaalo ama Dal uu ku noqon karo Amaan, hadii lagu dadaalo in la suura geliyo sifooyinkaas, si shacabka u helo Amaan la isku halayn karo, Bilicda magaaladana ay u dhisanto, si loo kordhiyo wax soo saarka iyo horu marka Caasidmada dalka.

Hadaba, waxaa weli dhibaatoyin iyo Cariiri badan ka jiraa Jidadka dhex mara Degmooyinka G. Bannaadir, gaar ahaan Gaadiidka dhexmara xaafadaha ayaa aad ugu dhib qaba, iyadoo inta badan uu ka dhasho Shill, Dagaal iyo Buuq farabadan dhexmarida Xaafadaha, waxaana sabab u ah arimahan.

  • Shacabka qaar oo dhistay jidka qaybta ku adan gurigooda hortiisa.
  • Shacabka qaar oo dhiga DHAGXAAN iyo Biro jidka qaybta ku adan gorigooda hortiisa.
  • Shacabka qaar oo dhiga Ciid ku jirta JAWAANO qaybta ku adan gurigooda hortiisa.
  • Shaqsiyaad sheeganaya in ay yihiin Madax ama Masuul oo Isbaaro dhigtay jidadka hor mara guryahooda.
  • Jidadka qaar way Xiranyihiin Guud ahaan oo waxaa ka qodan godad aan lamari Karin.
  • Jidadka qaar waxaa ka qodan Godad ay qodeen Roobabkii da’ay oo way adagtahay in la maro.
  • Mararka qaar Ciidamada Amaanka, waxay dhigaan dhagax waawayn jidadka, markii uu howl gal jiro, markii howl galka dhamaado kama qaadaan oo way ka tagaan.

Si kastaba, shacabka wata gaadiidka dadwaynaha iyo kuwa Caadiga ah waxay aad ugu dhib qabaan marida jidadka xiran, iyadoo aysan jirin ilaa iyo waqtigan cid wax ka qabatay, dhibaatada Shacabka, waayo inta badan waxaa dhaca Shilal iyo Dagaal dhex mara Qofka wata gaadiidka iyo dadka degan Guryaha, waana arin mar walba taagan oo u bahan in loo helo Xal deg deg ah.

War iyo dhamaan, waxaan Fariin Culus u dirayaa, G,Gobolka Bannadir, ku Xigeenadiisa iyo Gudomiyayaasha Degmooyinka in ay si deg deg wax uga qabtaan dhibatooyinkan taagan ee u bahan in loo helo Xal deg deg ah, si loo sahlo isu socodka dadwaynaha, isla markaasna loo soo celiyo Bilicda magaalada.

Arimahan jid gooyada ah, waxay Caqabad ku yihiin Gurmadka Laamaha Amaanka, waayo Gaadiidka Ciidanka wuxuu ku socdaa xawaara badan, markii ay jirto Xaalad deg deg ah, waxayna inta badan sababaan Shill, Ciidamadan ama waxay ka dib dhacaan Gurmadkii loo wacay.

Waxaan arkay dhowr jeer Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada amaanka oo shill sababay jidka oo ku yar awadiis, isla markaana Ciidanka shillka sababay marna uma istaagaan dhibkii ay gaysteen, si loo ogaado Xarunta ay ka tirsanyihiin loona xaliyo dhibka ay gaysteen.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Bannadir, waa in uu Amar siiyaa Godomiyayaasha degmooyinka, kuna adkeeyaa in ay si deg deg ah u Furaan jidadka Xiran, si loo sahlo isu socodka shacabka iyo Amaanka Caasimada.

Waa in Amar laga soo saaraa Shaqsiyaadka Xirtay jidadka qaar, iyagoo sheeganaya in ay yihiin Masuuliyiin, waayo dadkani waxay dhib badan ku hayaan Shacabka iyo isu socodka Gaadiidka.

Shacabka dhistay ama jidgooyada dhigay wadooyinka, waa in la siiyo Mudo ku filan oo DIGNIIN ah, mudadaas kadibna qofkii Fulin waayo Amarka, waa in laga qaadaa talaabooyin Sharciga waa faqsan oo isugu jira Xarrig iyo Ganaax.

Ciidamada Amaanka ee Degmooyinka, waxay aad u dhibaan Shacabka dhisanaya Guryaha, laakiin waxba kama qabtaan Shacabka sameeya Jidgooyada ee dhiga Dhagxaanta waawayn.ama jawaana ciid ah jidka hormara.

Waxaa waajib ah in Caasimada ay ku soo noqoto, sidii ay ahaan jirtay, waana in shacabku ogaadaa in loo socdo Horu mar iyo kala dambayn, si loo helo Nolol iyo Amaan la isku halayn karo, shacabkuna waa inay ka soo baxaan kaalindooda ku adan dib u dhiska Caasimada.

Halku dhigeenu waa, daryeelow dadaal,dumiyow nadaa”

 

W/Q Cumar  Farax

Qaranimo-online / Muqdisho

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment