1077 Views

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho oo ka billowday barakac xoogan.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho oo  ka billowday barakac xoogan.
____________________________________________________________________________

April 27-2021

 Waxaa sii kordhaya barakaca ka bilaawday saakay Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto dadaallada kasoo cusuboonaday gudaha caasimada.

Dadka ku Nool degmooyinka Warta Nabada Hodan, Howlwadaag iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay iyo saaka billaabay inay isaga hayaamaan guryahooda, kadib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay aag ka sameysteen xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xaafadaha laga qaxay waxaa ka mid ah Taleex, Siigaale, Shanta Geed iyo xaafadaha ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa billaabay inay u gaaraan xaafadaha kale ee ka caagan dhaq-dhaqaaqyada, sida degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Kaxda iyo duleedka caasimada.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post