477 Views

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday  Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo  u amba-baxay dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, taas oo ay tilmaam u tahay in Caasimadda Muqdisho laga hirgeliyey dhismaha Safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post