699 Views

Booliska AMISOM oo lagu wareejiyay gaadiid loogu talagalay amniga doorashooyinka

Booliska AMISOM oo lagu wareejiyay gaadiid loogu talagalay amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 06, 2021 —Ilaa 11 Gaari oo loogu talo galay howlgalka sugida Amniga doorashooyinka socda ayaa waxaa lagu wareejiyay Maamulka qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika  Soomaaliya ee (AMISOM).

Gaadiidkaan ayaa waxaa bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), waxaana ay isugu jiraan shan Gaari oo gaashaaman iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka, waxaana Booliska AMISOM ay Gaadiidkaan ka caawin doonaan sugida Amniga doorashooyinka.

Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa gaadiidkaasi ku wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie.

Gaadiidkaan ayaa waxaa sigaar ah ugu Shaqeyn doona Ciidamada Booliska AMISOM gaar ahaan kuwa sugida Amniga kala Shaqeyn doona Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Ciidamo Boolis gaar ah waxaa ay u diyaariyeen sugida Amniga doorashooyinka, kuwaas oo inta badan ku sugan Xarumaha ay ka dhacayaan doorashoohinka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post