1671 Views

Wafdigii Aqalka Sare Ee Baydhabo Oo Soo Geba Gabeeyey Kulamadoodii

Wafdigii Aqalka Sare Ee Baydhabo Oo Soo Geba Gabeeyey Kulamadoodii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 22, 2018 –Wafdiga Golaha Aqalka Sare ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyay ayaa kullan sagootin ah la yeeshay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Koonfur Galbeed,waxaana wafdiga Aqalka sare inta uu socday kullanka ay ku guddoomeen xogta rasmiga ah ee dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed ee la xirriirta arrimaha ay ka tabanayaan iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo Khilaaf siyaasadeedka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan maanta magaalada Muqdisho si xogtii uu urruuriyey dib ugu soo celiyo Golaha Aqalka Sare loogana baaraan dego tallaabada xigta ee Golaha Aqalka sare uu qaadayo.

Xubnaha Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u joogay xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa ayaa intii ay joogeen magaaladda Baydhabo waxay kullamo kala duwan la yeesheen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed,Bulshada rayidka sida Odyaasha dhaqanka,Ururada Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Maamulka Koonfur galbeed,waxayna ka xog wareysteen Khilaafka iyo habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kala

1 2 3

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment