1866 Views

Qaar ka mid ah saraakiisha hay’adda ICE oo ku baaqay joojinta xadgudubka Somalida Mareykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha hay’adda ICE oo ku baaqay joojinta xadgudubka Somalida Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2018 – Saraakiil ka tirsan Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dib u celinta qaxootiga sharci darrada ku jooga Dalka Mareykanka ,ayaa ku baaqay in la joojiyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida Qaxootiga ku ah Mareykanka.

Marc Moore, oo ah Sarkaalka Hay’addan u qaabil;san Gobolka Florida ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in madaxda sare ee hay’adda loo baahanyahay in ay la xisaabtamaan shaqaalahooda.

Bishii December ayey 92 Soomaali ah laga soo celiyay dalka Mareykanka waxaa la geeyay Dalka Senegal ee Afrika,waxaa haddana dib loogu celiyay Gobolka Florida halkaas oo ay dhibaatooyin badan ka sheegteen.

Soomaalida lagu xir xiray mareykanka ayaa sheegay in dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha loo geystay iyaga oo qabsaday qareenno u dooda,kuwaas oo dacwad ku furay shaqaalaha hay’adda ICE.

Sarkaalkan ka tirsan ICE,laanteeda Florida ayaa sheegay in gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay la kulmeen dadka Soomaalida ah waxaan uu sheegay in ay ka mid tahay dhibaatada loo geystay jir dil,handadaad iyo in laga jaray raashinka iyo biyaha.

Waxaa uu Hay’adda ugu baaqay in kiiska Soomaalida ee dib u celinta ah ay laasho marka laga reebo dadka codsada dib u celintaas.

Lisa Lehner,oo ka mid ah Qareennada u doodaya Soomaalida ayaa sheegay dadkaas qaarkood la garaacay ilaa ay ka miir daboolmaan,waxaana uu falkaas ku tilmaamay mid khilaafsan sharciga Mareykanka isaga oo ugu baaqay in deg deg caddaaladda loo horgeeyo shaqaalaha  arrintaas ku kacay.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment