1245 Views

Al-Shabaab oo Jilib xukunno kula fuliyey seddax qof kuwaas oo ay ku kala eedeeyeen gobol-dhaaf iyo xatooyo

Al-Shabaab oo   Jilib xukunno kula fuliyey seddax qof  kuwaas oo ay ku kala eedeeyeen gobol-dhaaf iyo xatooyo
____________________________________________________________________________

.

February  27 /2/ 2021

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe  ayaa sheegaya in maleeshiyaadka shabaab ee Gacanta ku haya Deegaankaas, ay galabta fagaare ku yaalla degmada Jilib ay  xukunno kula fuliyey seddax qof oo sigu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo ay ku kala eedeeyeen gobol-dhaaf iyo xatooyo.

Qofkii ugu horeeyay oo lagu eedceeyay Xatooyo oo lagu magacaabo Siidii Muxudiin Cabdi ayaa laga jaray gacantiisa midig, sidoo kale Cilmi Khaliif Maxamed oo loo heysto kufsi ayaa laga qaaday xoolo, iyadoo lagu fuliyey xukun karbaasha ah, halka Caasha Cabdulqaadir Cumar oo loo heysto gogol-dhaaf ay ku fuliyeen xukun jeedal ah.

Nin sheegtay inuu yahay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Jilib ayaa fagaare ay xukunnada ku fuliso kooxdu oo ku dhex yaalla Jilib ka akhriyey eedaha loo heysto iyo xukunnada dadkaas.

Sidoo kale Fagaaraha ay kooxdu xukunnada ku fuliso ee ku dhex yaalla Jilib ayey ugu magac-dareen hoggaamiyihii laga dilay ee Aadan Xaashi Ceyroow oo ahaa ninkii aas-aasay Al-Shabaab. https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post