1851 Views

Duqa Muqdisho oo Magaalada Baydhabo uga qeyb galaya Shirka Amniga Qaranka

Duqa Muqdisho oo Magaalada Baydhabo uga qeyb galaya Shirka Amniga Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |June 3, 2018 –  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ka dhici doono shirka Amniga Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka shirkani inuu yahay mid daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho. Isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamullada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

shirka-amniga-duga-muqdisho-2 shirka-amniga-duga-muqdisho-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment