855 Views

Muuse Biixi “Shacbiga Muqdisho waxay u afduuban yihiin farmaajo, waxaan leenahay shacab xoog laguma heesto.

Muuse Biixi “Shacbiga Muqdisho waxay u afduuban yihiin farmaajo, waxaan leenahay shacab xoog laguma heesto.
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay kulan uu la yeeshay baarlamaanka Somaliland ee Sanadkiii mar uu ku hor tago ayaa la hadlay Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada ka jirta Somaliya gaar ahaan Muqdisho oo uu sheegay in ay gacanta u gashay Kaligii Taliye farmaajo oo uu ula jeeday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in madaxda talada heysa ay sidoo kale qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogeneysa.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Sidoo  kale wuxuu soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu xafiiska sii joogo, isaga oo aan heysan sharci ama muddo kordhin heshiis lagu yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post