5391 Views

Sawiro:- Turkiga oo dharka askarta ku wareejiyay taliska Milatariga Soomaaliya

Sawiro:- Turkiga oo dharka askarta ku wareejiyay taliska Milatariga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 05, 2018  – Dareeska oo isugu jira dhar, kabo iyo dhamaan agabka loo isticmaalo dareeska, ayaa Saraakiisha ciidamada Badda Somaliya isticmaali doonaan, sida Taliska Ciidanka Xoogga dalka ay sheegeen.

Xerada Tababarka Jazeera oo munaasabad kooban ka dhacday ayeey Taliska ciidanka Xoogga dalka kula wareegeen dareeskaan dowladda Turkiga ay ugu deeqday ciidanka Badda iyo kuwa Cirka Somaliya.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowlada Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labadaa oo deeq tan lamid ah ay inoo-keento Dowladda Turkiga,waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay”.ayuu yiri taliyaha Ciidamada Cirka  Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood

Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa dowr muuqda ku leh taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidamada Qalabka sida.

1 2 3 4 5 6 7 8

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment