1176 Views

afartan qof oo lagu afduubtay galbeed Nigeria

afartan qof oo lagu  afduubtay galbeed Nigeria
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Ugu yaraan afartan qof ayaa laga cabsi qabaa in la afduubtay ka dib markii dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen magaalo ku taalla gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria.

Kooxo hubaysan ayaa habeennimadii xalay weeraray bulshada Rini iyagoo si teel teel ah u tooganayay. Saraakiisha ayaa sheegay in xubno ka tirsan laamaha ammaanka ay la shaqeynayaan dadka ku nool agagaarkaas, si loo ogaado inta qof ee maqan.

Arintan ayaa imaaneysa wax ka yar toddobaad kadib markii ay dabley afduubteen shan iyo toban arday iyo afar shaqaale oo ka tirsan kulliyadda beeraha ee isla gobolkaas. Kooxda weerarka geysatay ayaa dalbatay boqollaal kun oo doollar oo madax furasho ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post