756 Views

Murashax Cabdikariin Guuleed oo soo dhaweeyey heshiiskii laga gaaray qalalaasihii Muqdisho

Murashax Cabdikariin Guuleed  oo soo dhaweeyey heshiiskii laga gaaray qalalaasihii Muqdisho
____________________________________________________________________________

May 6,2021

Murashax Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii xalay laga gaaray qalalaasihii Muqdisho, gaar ahaan xalinta rabshadihii dhacay.

Cabdikariin Guuleed wuxu sheegay in uu bogaadinayo heshiiska laga gaaray Arimaha Amniga Muqdisho iyo xal ka gaarista Ciidamadda, islamarkaana uu rajaynayo in ay dhammaan fulaan qodobada heshiiskaas.

Maanta waxaa hortaala mudane Rooble fursad qaali ah oo uu dalka uga taabo galin karo doorasho hufan oo la iskula qanacsan yahay” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale, wuxu  u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka soo shaqeysay heshiiskaas oo ay u horeeyaan xubnihii Midowga Murashaxiinta, Madaxda dowlad gobaleedyada Galmudug,  Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rouble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post