906 Views

Ciidanka dowladda oo heshiis dhex dhigay beello wada degga gobolka Mudug

Ciidanka dowladda oo heshiis dhex dhigay beello wada degga gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Taliyaha Qaybta 21-aad General C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo saraakiil qaybta ka tirsan oo safarkiisan ku wehlinayay ayaa ku guulestay in isfaham hordhac ah laga gaaro muran dhul oo ka dhex jiray beelo walaalo ah oo kuwada nool Deegaanka Laas-Gacameey oo 15-km ujira Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa qeybta ayaa sheegay in ay si buuxda ugu guuleystay in la xaliyo dhibaatada ka taagneyd degaanka, islamarkaana cidii jabisa heshiiska la gaaray tilaabo laga qaadi doono.

Kulan balaaran oo deegaankaasi ka dhacay ayay odayaasha dhaqanka iyo Taliska Qaybta 21-aad isla go’aamiyeen in laga gudbo muranada jira oo ragaadinaya nabada taasoo dhib ku ah howlgalada Ciidamadu isku diyaarinayaan ee lagu wajahayo deegaanada Al-Shabaab ay joogaan ee Gobolkaasi Mudug.

Qaybta 21-aad ayaa xoojisey xarumeheeda Gobolka mudug gaar ahaan kuwa ku beegan deegaanada furimaha ah si loo wajaho Al-Shabaab , Ciidamada Taliska ee aagaasi ku sugan ayaa sidoo kale qaadanaya masuuliyada amniga deegaanada ay joogaan ee ah kala badbaadinta bulshada naf iyo maalba .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment