912 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo U Dhoofay Dalka Ruushka Iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweyne Farmaajo Oo U Dhoofay Dalka Ruushka Iyo Ujeedka Safarkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofayb Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada loo dalxiiska tago ee Sochi ee ku taalla dalka Raashiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa Raashiya wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyadda Qaranka, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusii sgootiyay Madax ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raashiya uga qeyb geli doona Shirka koowaad oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Raashiya iyo Madaxda Africa.

Hoggaamiyeyaash lagu Casuumay Shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana Shirkaan uu socon doonaa muddo laba cisha ah.

 

Sidoo kale Shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo 23-ka Bishan Octoobar, iyada oo kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hoggaamiyeyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu Casuumay in ka badan 50 Hogaamiye Afrikaan ah.

 

Shirkaan waxaa si wadajir ah u Guddoominaya Madaxweynaha Raashiya Valadamir Putin iyo Madaxweynaha dalka Masar oo ah Guddomiyaha Ururka Midowga Africa ee sanadkaan, Waxaana Raashiya ay qorshaynaysaa sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd dalalka Africa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment