291 Views

Weerar ka dhacay Muqdisho Iyo Masuul Caan ah oo ka badbaaday dil

Weerar ka dhacay Muqdisho Iyo Masuul Caan ah oo ka badbaaday dil
____________________________________________________________________________

Axad: January 29, 2023

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo saaka lagu weeraray mas’uul ka tirsan maamlka degmada Dharkiinkeey.

C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkiinley ayaa laba bam gacmeed lagu tuuray hoyga uu dagan yahay oo ku yaalla xaafadda Xasan Jiis, iyadoo xiliga weerarka uu ku sugnaa goobta.

Mr. Shaarkeey ayaa ka badbaaday shirqoolkan oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo, waxaase ku geeriyooday wiil yar oo 14 sano jir ah, kaasoo daganaa guri ku dhegan midka weerarka lagu qaaday, waxaa sidoo kale jira burbur soo gaaray guriga mas’uulka weerarkan lagu qaaday.

Kooxdii weerarka soo qaaday oo lala xiriiriyay Shababab ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana guul dareystay isku dayo ay sameeyeen ciidamadda amaanka oo ay ku damacsanaayeen iney kusoo qabtaan danbiilayaasha.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 3aad ee caasimadda ka dhaca wax ka yar 15 saacadood, xalay Waarta Nabada waxaa lagu dilay wasiiru dowle ka tirsaneyd maamulka Galmduug, halka isgoyska KM4 uu ka dhacay qarax lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay askar wateen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post