1428 Views

Maleeshiyaad hubeysan oo duleedka Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud ku dileen Nin la sheegay in uu xoolo dhaqato ahaa

Maleeshiyaad hubeysan oo  duleedka Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud  ku dileen Nin la sheegay in uu xoolo dhaqato ahaa
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in duleedka Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud ay ku dileen Nin la sheegay in uu xoolo dhaqato ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Wararla la helay ayaa sheegaya in ka hor dilka in maleeshiyaad hubeysan  ay rasaaseeyeen Booyad u socotay degmada Balanballe, hayeeshee maleeshiyaad kale oo ka careysan  ay weerareen ka dibna dileen ninkaan reer Miyiga ah oo Gurigiisa Kusugnaa.

Dilkan ayaa waxaa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil oo dhowr jeer ooh ore kusoo lab laabtay degaannada hoostaga degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Balanballe ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Ninka Xoolo dhaqatada ahaa iyo Booyada la rasaaseeyay siweyn looga dareemay degmada, isla markaana ay macquul tahay inay ku baxaan Maamulka degmada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post