1164 Views

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madax Kale Oo Lagu Casuumay Shirweyne Ka Dhici Doona Sacuudiga

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madax Kale Oo Lagu Casuumay Shirweyne Ka Dhici Doona Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/Casiis Ala-sacuud waxa uu casuumaad u fidiyey Madax ka tirsan kuwa Gobalka ee kaabiga ku haya Badda Cas iyo Gacanka Carbeed, si ay uga soo qeyb galaan Shirweyne  lagu qaban doono caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh.

Wasiir-dowladaha Sacuudiga ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Axmed Bin C/casiis Qadaani ayaa la sheegay inuu shalay booqasho ku kala bixiyey Somalia iyo Jabuuti, si uu Labada Madaxweyne u gaarsiiyo Casuumaadaasi, oo ay ka guddoomeen.

Ilo-wareedyo ayaa sheeegaya In Kulanka lagu casuumay Madaxdaasi uu dhici doono bisha barakaysan ee Ramadaan kadib, isla markaana looga wada xaajoon doono Xiriirka Sacuudiga iyo dalalka Gobalka, Ammaanka Mandiqadda iyo Gcaanka Cadmeed.

 

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay doonayso inay Madaxdaasi kala hadlaan qorshe ay Sacuudiga ku doonayaan inay maalgashi ku sameeyaan dalalka kaabiga ku haya Gcaanka Carbeed.

 

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Sacuudiga waxay horey dalalka Gacanka Carbeed isku raaceen in la dhiso Quwad ay ku mideysan yihiin oo ka hortaga Khatarta Iiraan iyo in la sugo Marakaaiibta ka gudubta Gacan-biyoodka Cadneed oo marin muhiim u ah Maraakiibta Shidaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment