867 Views

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo maanta ku wajahan Ceelwaaq

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo maanta ku wajahan Ceelwaaq
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Magaalada Ceelwaaq waxaa maanta lagu wadaa inay gaaraan wafuud kale duwan oo ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo iskugu jiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada maamulkaas, kadib markii kuraastii 16-ka ahayd ee taalay Magaalada Garbahaarey ay sheegeen Guddiga FEIT in laga soo wareejiyay magaaladaas loona wareejiyay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ujeedka madaxda Jubbaland ay degmada Ceelwaaq ku tagayaan ayaa lagu sheegay inuu yahay qiimeyn ay ku sameeyaan degmadaas, maadaama lagu qabanayo markii ugu horreesay doorashada 16-kursi oo taalay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada ayaa ku wajahan degmada Ceelwaaq.

Ujeedka safarka Wasiir Darwiish iyo mas’uuliyiin wehelisa ayaa lagu sheegay in ay la kulmaan maamulka iyo bulshada degmada Ceelwaaq islamarkaana kormeer iyo qiimayn ku sameeyaan goobta lagu qabanayo doorashada 16-ka kursi.

Sidoo kale, Warar ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta ay degmada Ceelwaaq tegi doonaan Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Goobta lagu qabanayo doorashada 16-ka ee Magaalada Ceelwaaq waxaa shalay laga bilaabay dhismaha hoolka doorashada garoonka diyaaradaha Ceelwaaq, halkaas oo ay degan yihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee lagu badalay magaca ATMIS, iyadoo Ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post