927 Views

Hoggaamiyaha maleeshiyo Iraqi ah oo wacad ku maray inuu ka aargudan doono Mareykanka

Hoggaamiyaha maleeshiyo Iraqi ah oo  wacad ku maray inuu ka aargudan doono  Mareykanka
____________________________________________________________________________

Talaado: July 6, 2021


Hoggaamiyaha maleeshiyo Iraqi ah oo ay Iran taageerto ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono dilkii ay Mareykanka ugu geysteen afar ka mid ah ciidankiisa duqeyn ka dhacday xuduudda Iraq iyo Syria, bishii tagtay.

Abu Alaa al-Walae, hoggaamiyaha kooxda Kataib Sayyid al-Shuhada, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey wakaaladda wararka AP ku sheegay inuu jiri doono howlgal militari oo qof walba uu ka sheekeyn doono.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guusha Ebrahim Raisi, oo ah hoggaamiye mayal-adag uu ka gaaray doorashadii Iran, ay xoojin doonto kooxaha mintidiinta ah ee Bariga Dhexe, afarta sano ee soo socota.

Abu Alaa al-Walae, oo inta badan aan wareysi siisin warbaahinta ajnabiga ah, ayaa Isniintii AP kula hadlay xafiis uu ku leeyahay xaafad ka mid ah Baghdad oo ku teedsan Webiga Tigris.

Ciidamada cirka Mareykanka ayaa 27-kii June waxay meel u dhow xuduudda Syria iyo Iraq ka fuliyeen duqeymo uu Pentagon-ka sheegay in lala beegsaday xarumo ay kooxaha Iran ay taageerto u adeegsadaan in laga soo qaado weerarada diyaardaaha drone-ka ah ee laga fuliyo Iraq. Afar maleeshiyo ayaa lagu dilay howlgalkaas.

Mareykanka ayaa maleeshiyooyinka ay Iran taageero ku eedeeya inay fuliyaan weeraro loo adeegsado gantaallo iyo diyaarado Drone oo lala beegsado saldhigyada uu ku leeyahay Iraq.

“Waxaan dooneynaa howlgal ku habboon shuhadada,” ayuu yiri Abu Alaa al-Walae, isaga oo ula jeedo afarta dagaal-yahan ee laga dilay dabayaaqadii June. “Xitaa haddii [howlgalkaas] uu dhaco xilli dambe. Waqtiga muhiim nooma ahan.”

“Waxaan dooneynaa howlgal qof walba uu yiraahdo waa ay ka aarguteen Mareykanka,” ayuu yiri Walae. “Waxa uu noqon doonaa howlgal ka iman kara cirka, badda, aagga xuduudda Iraq, gobolka ama meel kasta. Kani waa dagaal furan.”

Abu Alaa al-Walae ayaa ammaanay madaxweynaha cusub ee Iran, oo la filayo inuu xukunka la wareego bisha soo socota, isaga oo sheegay in kooxaha mintidiinta ah ee Iran ay taageerto “uu soo mari doono waqtigooda ugu wanaagsan.”

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post