849 Views

Cabdifataax Cali oo ah eedeysane dhawaan kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka

Cabdifataax Cali  oo ah eedeysane dhawaan kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Cabdifataax Cali Cumar, oo ah eedeysane dhawaan kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa loo haysta dhaca iyo jirdalka ku dhawaad 60 haween ah.

Cabdifataax ayaa waxa uu wajahaya kiis hadal hayn badan ka dhex abuuray bulshada, kadib markii uu maxkamadda kasoo muuqday asaga oo loo haysto in uu xiriir Jaceyl la sameeyay dumar badan si uu u dhaco.

Eedeysanaha ayaa meel sarre ka gaaray faafidda diinta Islaamka, isaga oo soo noqday Imaam masaajid, haddana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida ay sheegtay Xeer Ilaalinta Ciidamada.

Cabdifataax ayaa iska fogeeyay qaar kamid ah haweenka 60-ka ah, isagoona qirtay inuu dhacay 30 haween ah oo keliya, xili ay maxkamadda kasoo hor-muuqdeen qaar kamid ah dhibanayaasha.

“Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo,” ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda ciidamada qalabka-sida.

Haweenay kamid ah kuwa loo haysto inuu dhacay Cabdifataax oo ku sugnaa gudaha maxkamadda oo ayadu ka qeyb aheyd dhageysiga dacwada ayaa sheegtay in dhibaatada uu mariyay eedeysanaha ay gaarsiisay inay ka codsato “inuu dilo oo nolosha dhaafiyo,” sida ay sheegtay.

“Aad ayaa u cabsaday oo aan u qal-qalay, waxaa ku iri xitaa idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax-yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay fal-celin,” ayey tiri.

Sidoo kale qaar kamid ah dhibanayaasha dacwadaan oo ayaguna ku sugnaa Maxkamadda, ayaa dalbaday in sharciga la mariyo eedeysanaha oo sida ugu dhaqsaha badan u helaan cadaallad.

“Ninkaas wuu i ceejiyay, tarxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay,” ayey tiri haweenay kale oo ku sugneyd maxkamadda oo kamid ah kuwa loo haysto in Cabdifataax uu dhibaatayey.

Cabdifataax oo qirtay in keliya uu dhacay 30 kamid ah haweenka u haysta dacwadda, ayaa waxaa maxkamadda laga codsaday inay ku saleyso xukunkiisa keliya inta uu qirtay, halka inta kale uusan shaqo ku laheyn, sida uu ku doodayo Qareenka Cabdifataax.

Xigasho:

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post