1047 Views

Xubnaha ka harey Baarlamaanka Galmudug oo la shaacinayo

Xubnaha ka harey Baarlamaanka Galmudug oo la shaacinayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 05, 2020—Guddiga farsamadaha iyo dhismaha ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay shaaciyaan magacyada liiska Xubnaha ka harey Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

 

Hoggaanka Ahlusunna ayaa maalin ka hor waxaa ay guddiga ku wareejiyeen 20-ka xildhibaan ee Baarlamaanka laga siiyey,waxana Guddiga ay maanta shaacinayaan 69 Xubnood ee harey.

 

 

 

Shalay oo Sabti aheyd ayaa qorshuu ahaa in Guddiga ay ku dhawaaqaan Xildhibaannada balse ay gudiga sheegeen inay soo wajaheen caqabado lagana gudbey.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali kheyre iyo Wasirka Arrimaah gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa ay ku wada sugan yihin Dhuusamareeb,iyaga oo halkaas u jooga dardar gelinta howlaha dhismaha Galmudug.

 

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii Galmudug ee waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatey ayaa kasoo horjeetay howlaha dowladda ay ka wado dhuusamareeb,isaga oo Magacaabey guddi doorasho kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment