684 Views

C/raxmaan C/shakuur “ Waqti danbe ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka.

C/raxmaan C/shakuur “ Waqti danbe   ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka.
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradsan ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin, kadib dagaallo shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho.

Wada-hadallo xalay dhexmaray dhinacyada dowladda iyo mucaaradka, ayaa la isla hartay in xabbadda la joojiyo, inkastoo aan weli xal rasmiya loo helin muranka labada dhinac oo ka dhashay mudda kordhinta hay’adaha dowladda, sida ay sheegtay VOA-da oo xiganaysa mas’uuliyiin kala duwan.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble oo saaka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in wada-hadal iyo is af-garad lagu dhammeeyo khilaaf kasta oo jira, islamarkaana uu isagu bilaabay dadaallo ku saabsan xallinta xiisadda ka taagan Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo Nabadda iyo Xasiloonida dalka, gaar ahaanna magaalada Muqdisho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post