723 Views

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuleystay mar kale gobolka Georgia

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuleystay  mar kale gobolka Georgia
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuleystay gobolka Georgia, Sida BBC-du sadaalinayso, waa musharraxii ugu horreeyay ee Dimuqraadi ah ee gobolkaasi ku guuleysta tan iyo sanadkii 1992.

Natiijada cusub waxay sare u sii qaadaysa guushii Mr Biden, isaga oo helaya ku dhawaad 306 cod ee codadka ergada dorashada, oo ah nidaamka Mareykanku ay u adeegsadaan doorashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Trump waxaa la sadaalinaya in uu ku guuleysto gobolka North Carolina isago heli doona 232 codadka ergada doorashada. Mr Trump oo diiday in uu qirto in doorashada looga guuleystay ayaa markii ugu horeysay carabka ku dhuftay suurta galnimada xukuumad cusub in Aqalka cad hogganka u qabato bisha kowaad ee sanadka 2021-ka.

Isagoo u muuqda nin degan, Madaxweynuhu ma uusan qiran in laga guulaystay, mana uusan carabaabin Joe Biden. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynuhu uu kasoo hormuuqda saxaafadda tan iyo intii doorashada ay dhacday, wuxuuna ka hadlayay xaalada cudurka coronavirus ee dalkiisa

”xukuumaddan dalka bandaw ma gelin doonto,” ayuu yiri Mr Trump oo barxadda Aqalka Cad shir jaraai’d ku qabtay, iyadoo dalka uu wajahayo xaaladii ugu darnayd ee cudurku ku faafayo. ” waxaan rajeynaya…. Wax kasta oo dhaca Mustaqbalka -yaa garanaya maamulka uu noqon doono, waxaan filaya waqtiga ayaa sheegii doona.”

Madaxweynuhu su’aalaha kamuusan weriyeyaasha. Cadaadis ayaa kusii kordhaya Mr Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, si uu u qirto in doorashada looga guulaystay isla markaana uu gacan ka geysto diyaarinta nidaamka xilwareejinta iyo caleema saarka maamulka cusub.

Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu bilaabay dacwado ka dhan ah gobolada muhiimka isagoo soo bandhigay eedaymo aan la xaqijinin ee ku saabsan wax isdeba marin doorasho oo baahsan. Kooxdiisa ayaa maalinkii jimcaha waxay dacwad geysay gobolka Arizona kadib markii la ogaaday in ninka xifaaltanku kal dhexeyo uu codad badan kaga horeyay.

Guusha Biden si rasmi ah looguma dhawaaqin halka kooxdiisa u qaabilsan xilwareejintana aan wali loo fasixin inay la macaamilaan hay’addaha dowladda iyo kharshaadkii loogu talagay in si wanaagsanu uu u dhacdo caleema saarka. Xukkumadda Trump waxay u diiday inay la wadaagto Biden maclumaadka xasaasiga ee ammniga taas oo sameyn ku yeelan doonta Madaxweynaha la doortay in uu dalka maamulo, sida ay sheegtay afhayeenka Biden, ee Jen Psaki.

”Waxaad u baahantahay maclumaadka in xili wanaagsan aad hesho si aad u wajahdo xaalada halista ah ee hadda taagan” waxayna tusaale ahaan u soo qaadatay cudurka safmarka ee Coronavirus. ” waa lama huraan in koxdeena iyo khubardeena ay maclumaadkaasi helan”. Ayay tiri Jen Psaki, oo ah Afhayeenka Madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Mar sii horeysay ku dhawaad 150 kamid ah saraakishi hore ee ammniga qaranka Maraykanka ayaa ka digay in dib u dhigista Marxaladda kala guurka ay ”khatar weyn ku tahay ammniga qaranka”.

Warqad ay soo qoreen ayay hay’adda dowladda u qaabilsan xilwareejinta iyo caleema saarka ku booriyeen inay bilaaban qorshaha xilwareejinta ayna aqoonsadaan Joe Biden iyo haweenaydii ugu horeysay ee loo doortay xilka Madaxweyna ku xigeenka dalkaasi Kamala Harris si ay u helaan xogta sirdoonka iyo ammniga dalkaasi,

Sidookale tiro kamid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa waxay iyaguna xoojinayaan baaqa ah in Madaxweynaha la doortay lala wadaago xogta sirdoonka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post